meta content='blog' property='og:type'/>

Tuesday, April 3, 2012

SHEEKH MUXAMMAD BIN C/WAHAAB HALGANKIISII IYO RAADKII UU REEBAY.

SHEEKH MUXAMMAD BIN C/WAHAAB HALGANKIISII IYO RAADKII UU REEBAY 

Waxaan Halkan idin kugu soo gudbinaynaa markii ugu horeysay buug dhamaystiran oo Af-Soomaali ah oo ka hadlaya Taarikh-da Sheikha Islaamka Muxammad Bin C/wahaab. Oo uu Qoray Muxammad Cusmaan Aadam.

Sababaha uu Qoraaga qoraalkan u doortay:

1- iyada oo halgankii Sheekh Muxammad C/wahaab uu ahaa mid dunida soo mara saddexdii qarni ee ina dhaafay kii ugu cuslaa;

2- iyadoo uu ahaa halgan ku saabsan saafiyeynta diinta Alle iyo baraxtirka xuquuqda uu ku leeyahay uunkiisa;

3-aniga oo ka mid ah dadka aaminsan in caqiidadii sheekhu ku baaqay tahay caqiidada islaamka ee saxda ah ee uu nabi muxammad ammaan iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee ku rabbeeyey asxaabtiisii, asxaabtuna usoo gudbiyeen jiilkii xigay, culimadii ka danbaysayna ku qoreen kutubtii sunnada iyo caqiidada ay ka allifeen qarniyadii fadliga badnaa, wixii kasoo horjeedayna ay ahaayeen caadooyin iyo dhaqammadii jaahiliyada oo lasoo nooleeyey;

4- iyadoo umadda Soomaalidu aysan aqoon badan u lahayn shakhsiyadda iyo taariikhda imaamkan, kuwo taageersan iyo kuwo kasoo horjeeda, iyo kuwo aan danba ka lahayn intaba.

"Afartaa waxyaabood ayaan oran karaa waa ay ugu horreeyaan waxyaabihii igu bixiyey inaan qoraalkan u qalin qaato" Ayuu yir Qoraaga Alle ha u dambi dhaafee.
Aqrisasho iyo ka faa'ideysi wacan Walaal.


Plz Click Like and asxaabtaadane u dir bogaan adigo send tabsanyo amaa asxaabtadaa laa sharegaree adigoo halkaa hose share tabsanyeo



No comments:

Post a Comment